Khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay TPLF iyo maamulka ku meel gaarka Tigreega

Madaxwaynaha Tigreega Getachew Reda oo dibada ku maqan ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in Kooxda TPLF xukunka uu kaga tuurto maamulka ku meelgaarka ah ee Tigreega, si meesha ay uga baxdo fadqalalada siyaasideed ee gobolka ka soo cusboonaatay.

Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada ka amar qaata hogaamiyaha TPLF lagu soo daayay wadooyinka gobolka, halka qaar kamid ah madaxda maamulka ku meel gaarka ah ay ka badbaaden sida ay ku soo waramayaan goobjoogayaal isku dayo dil iyo qaarajin ah.

Dagaalka gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya ayaa hay’adaha samafalka caalamka ka diwaan galiyeen in uu sababay dhimashada ku dhawaad ​​600,000 oo kun oo ruux oo ah qiyaas uu sameeyay ergayga Midowga Afrika ee Geeska Afrika, halka xaaladdu ka dartay markii la waayey halkii la marsii lahaa sahayda gargaarka Bini’aadantinimo.

Maamulka federaalku wuxuu xannibay dhammaan gargaarkii bini’aadantinimo ee gobolka, sidoo kale wuxuu joojiyay adeegyadii bangiyada, isgaarsiinta iyo isku xirka hawada.

Xaaladda gobolka waxaa ayaa bilihii ugu dambeeyey ka taagnaa jahawareer siyaasadeed, kaasi oo kalifay in dhinacyada heshiis ku ahaa siyaasadda aan cagaha badan ku taagneyn ee qowmiyada Tigreega uu soo dhexgalyo kala shaki iyo awood is muquunin.

Labo sanno ka hor, Bishii Nofeembar 2022-kii, caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria, waxaa heshiis nabadeed ku kala saxiixday dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda Tigrayga.

Ujeeddadeedu heshiiska ayaa ahaa in la soo afjaro colaaddii ka dhalatay dagaalkii Nofeembar 2020-kii oo Itoobiya muddo laba sano ah ku burburisay gobolka Tigreega.

Waxaan la ogeyn halka ay ku dambeyn karto xaaladda gobolka Tigreega oo ah mid gabi ka laalada, taasi oo dowladda dhexe ee Itoobiya dusha ka fiirsaneyso qaabka iyo sida wax ay u wadaan maamulka ku meel gaarka ah iyo jabhadda TPLF.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed