Barqanimadii maanta oo Sabti ah ayaa ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya shacabka deegaanka waxa ay u suurtagashay in ay iska caabiyaan weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan fariisimo ciidan oo ku yaala agagaarka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda, “Ciidanka oo ku hubeysan sirdoon hore ayaa argagixisada la dagaalamay ka hor inta aysan gaarin saldhigga, taas oo sababtay dhimashada dhowr maleeshiyaad ah.”
Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-dheer, kadib markii ay saaka weerar ku qaadeen Al-Shabaab. Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo weli ay soo baxayaan faah faahin dheeraad ah.
Warar madaxbannaan ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen, Saraakiil lagu sheegay magacyadooda Yoonis Xassan Sabriye iyo Korneyl Cabdulle, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmi ah.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan maleeshiyaadkii weeraray Ceeldheer. Magaaladu waxay leedahay taariikh cakiran, iyadoo markii ugu horreysay lagala wareegay Al-Shabaab bishii Janaayo 2023-kii, xilligaasi oo hawlgal ballaaran ay ciidamadu ka sameeyeen.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda ayaa dib u gurtay bishii August ee sannadkii hore, kaddib dagaal culus oo dhacay, balse dib ayay uga laabteen oo ay dib ula wareegeen bishii December ee 2023.
Warkan ayaa muujinaya khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab iyo dadaallada ay waddo dowladda Soomaaliya iyo bulshada deegaanka ay ku xaqiijinayaan ammaanka gobolka.
HBN NEWS DESK