Khasaare ka dhasshay roob dabeyla wata oo xalay ka da’ay Sanaag iyo Puntland oo digniin dirtay

Wararka ka imaanaya degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa ku waramaya in xalay uu halkaasi ka da’ay roob dabayl xooggan wata oo khasaare hantiyeed sababay.

Guddoomiyaha degmada Laasqoray Cabdikariin Yuusuf Jaamac oo si kooban uga  hadlay khasaaraha roobka ayaa sheegay in dabayshaasi xooggan ay burburisay goobo ganacsi iyo gurya badan.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa sida oo kale sheegay in badda oo kacday ay la tagtay inta badan gaadiidkii deegaanka, kuwaa oo ay ku jiraan doonyo iyo laasha kalluumeysi oo ay lee yihiin kalluumeysatada degaanka.

Dhinaca kale Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta iyo Musiibooyinka maamulka Puntand ayaa uga digtay shacabka degmada Laasqoray iyo nawaaxigeeda in ay ka fogaadaan xeebaha iyo meelaha godan ee biya mareenka ah islamarkaana taxaddar dheeriya muujiyaan inta roobku socdo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed