Khasaare ka dhashay weerar cuqaal iyo isimo loogu geystay Laasacaanood

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in weerar hubeysan lagu qaaday guri ay ku kulansanaayeen cuqaal iyo isimo beeleed ka shaqeynayey xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulka, kaasi oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Weerarkan ayaa sababay dhaawac fudud oo soo gaaray hal xubin oo ka tirsan laamaha amniga dowlad goboleedka Waqooyi Bari, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga maamulka. Dhacdadu waxay ka dhacday guri uu leeyahay qof rayid ah xalay, halkaasi oo ruux hubeysan uu rasaas ku furay goobta shirka ka socday.

Booliska maamulka ayaa bilaabay baaritaanno iyo howlgallo lagu raadraacayo ruuxa falkaasi ka dambeeyey, waxaana bulshada lagu booriyey inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa adkeeyey in weerarkani uusan wiiqi doonin geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xulista hoggaanka cusub ee shacabka, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan dadaallada sugidda amniga iyo xasilloonida gobolka.

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari, oo bishii hore Luulyo lagu aas aasay magaalada Laascaanood ayaa hadda ku guda jira diyaarinta iyo xulista Baarlamaanka cusub ee shanta sano ee soo socota, iyagoo ku dadaalaya in hanaanka doorashada uu noqdo mid nabdoon oo hufan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed