Khasaare ka dhashay iska hor imaad ka dhacay Kismaayo iyo dowladda Soomaaliya oo bayaan ka soo saartay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khasaare nafeed sababay oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaar ah ee maamulka Jubbaland.

Inta la xaqiijiyey 1 ruux ayaa ku dhintay, 2 kalane waa ku dhaawacmeen iska hor imaadka oo u dhexeeyey sida ay sheegeen dad goobjooyaaal ah ciidamo ilaalo u ah mid ka mid ah Musharaxiinta ku sugan Kismaayo iyo kuwa madaxweynaha Jubbaland.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii saaka ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismaayo ee ay geysteen sdia hadalka ay u dhigtay ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa falkaasi ku tilmaamay sida uu qabo “mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye” oo dhex mara shacabka walaalaha ah, ka dib shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Muqisho.

Maamulka Jubbaland wax war ah kama soo bixin oo ku aadan dhacdada maanta ka dhacday magaalada kismaayo oo todobaadkan qorshuhu yahay in lagu qabto doorashdada madaxweyne ee maamulkaasi.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed