Khasaare ka dhashay howlgal lagu beegsaday xarumihii Alshabaab ee Jilib Jubbada dhexe

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo Alshabaab ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaa oo si gaar ah u ahaa meelo tababar, diyaarinta qaraxyada & guryo horjooyagaal lahaayeen.

Howlgalka ayaa si gaar ah loola eegtay xarunta degmada oo loogu yeeri jiray jabhadaha, labo xarun oo ay ku sameyn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjoogayaal lagu kala sheegay Xasan Yacquub iyo Amiin, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

“Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Sidoo kale, Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ay howlgallo ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa Alshabaab deegaanka Ceel-bacad ee ku yaala xadka gobollada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn warka ka soo baxay Dawlada Soomaaliya ayaa loogu digtay dadka shacabka ah ee sugan goobaha Alshabaab in aanay u dhowaan xarumaha kooxda ama goobaha ay joogaan, maadaama beegsiyo ay ku wado goob kasta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed