Khasaare ka dhashay diyaarad Milateri oo ku dhacday Shabeellaha Hoose

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay diyaarad nooca Milatariga ah oo ku dhacday Beer u ku dhow xerada ATMIS ee deegaanka Carbiska degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaraddaan oo nuuceedu ahaa Helikobtar, kana baxday magaalada Muqdisho ayaa waxaa saarnaa 4 qof oo la sheegay in ay ahayaeen dhamaan Ajaaniib, waxaana sida xaqjiiyeye soo gaaray dhaawacyo, iyada oo loo soo qaaday loo magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo cilad ku timid inta ay hawada ku jirtay ayaa ku sii jeedeen Garoonka Beli-doogle, waxaana ay siday saanad ciidan sida laga soo xigtay taliska ATMIS ee deegaanka Carbiska.

Weli wax war ah oo ku aadan dhacdadaan kama soo bixin dowladda Soomaaliya iyo waxa ay ka ogyihiin dhacdadaan diyaaradda ku dhacday duleedka Afgooye.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed