Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Barujeed, oo qiyaastii dhowr iyo toban kiiloomitir u jira magaalada Baydhabo. Dagaalkaas ayaa dhexmaray ciidamada xoogga dalka iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Alshabaab.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka, dagaalka ayaa bilowday kadib markii Alshabaab ay weerar kedis ah ku soo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Barujeed. Ciidamada dowladda ayaa si degdeg ah uga hortegay weerarkaasi, iyaga oo ku guuleystay in ay iska difaacaan, islamarkaana dilaan xubno ka tirsanaa Alshabaab balse tirada ma aanay shaacin.
Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada dowladda ay weli si buuxda u maamulayaan deegaanka Barujeed, inkastoo ay kooxdu dhowr jeer horey isku dayday in ay weeraro kusoo qaado.
Deegaanka Barujeed ayaa ah meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah xasilloonida magaalada Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed. Weeraradii dhowaanahan dhacay ayaa muujinaya halista ay kooxda Alshabaab weli ku hayso ammaanka deegaannada ku hareeraysan Baydhabo.
Waxaa la filayaa in saraakiisha ammaanka ay warar dheeraad ah kasoo saaraan khasaaraha rasmiga ah iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo difaaca deegaanka.
HBN ONLINE TV