Khasaare Dhimasho oo ka dhashay rasaas lagu kala ergayey dad shacab ah Muqdisho

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa rasaas ku kala cayriyey dhallinyaro waqtigooda ku qaadanayey xeebta Liido, ka hor inta uuna gaarin Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo booqanayey, Waxaana ka dhashay khasaare dhimasho.

Muuqaal warbaahinta ka heshay Xeebta Liido ayaa muujinaya ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran oo kala ergayaya dhalinyaro xeebta ku dabaalaysa oo horin horin u cararay.

Sidoo kael, waxaa muuqaalka uu muujiyey wiil dhalinyaro ah oo dhulka ay ku jiidayaan Ciidamada Booliska ee budadka wata.

Isla Goobta falku ka dhacay oo ah afaafka hore ee Xeebta ayaa la arkayaa raadka Dhiig aanan la hubin waxa uu yahay, balse dadka goobta ku sugan ay ku sheegayaan inuu ahaa wiil ay goobta Ciidamadu ku dileen.

Ma jiro war ah oo ka soo bxay laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadan iyo sida wax u dhaceen

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed