Khasaare dhimasho oo ka dhashay dagaal dad rayid ah & Somaliland war kulul ka soo saartay dilkaas Gabilay

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen, kaddib iska horimaad maanta ka dhacay deegaanka Agabar ee Gabiley, kaas oo dhexmaray ciidamada Booliska Somaliland iyo dad deegaanka ah.

Wararka laga helayo ilo deegaanka iyo warbaahinta gudaha Somaliland ayaa sheegaya in labada qof ee dhintay ay markii hore ku dhaawacmeen goobta uu iska horimaadka ka dhacay, hase yeeshee ay markii dambe ku geeriyoodeen Isbitaalka magaalada Hargeysa oo la geeyay. Dad kale oo ku dhaawacmay dhacdada ayaa iyagane lagu dabiibayaa isla isbitaalkaas, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tiradooda saxda ah.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay shirkad la sheegay in loo oggolaaday inay ka shaqeyso goob dahab laga qodo oo ku taalla deegaanka Agabar, taasoo shacabka deegaanka ka biyo-diideen. Dadka deegaanka ayaa is hortaagay hawlihii shirkadda, taas oo keentay in ciidamada Booliska ay adeegsadaan xoog si ay u kala eryaan.

Sidoo kale, Somaliland oo war ka soo saartay dhacdadaan ayaa sheegtay in Xukuumadoodu aheyn mid diktator ah, balse ay u cadaalad samayn doonto shacabka, cabashadoodana dhageysanayso, sida aan kasoo xiganeyno Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdirashiid Maxamed Axmed. Wuxuu intaasi ku daray aanay la aqbali doonin in cid sharciga gacanta ku qaadato.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed