Seddex qof shacabka iyo Askar ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday israsaaseyn kooban oo ka dhacday ilinka hore ee Kontoroolka laga ilaaliyo garoonka Muqdisho ee Lambar afar, ka dib markii ciidamada ammaanka iyo xubno waday meydka Marxuum Geneeraal Sheegow Axmed Cali ay is afdhaafeen.
Qof goobjooge ah oo HBN ONLINE TV la hadlay ayaa u sheegay in Ciidamada amnigu ka dalbadeen dad daba socday Meydka Sheegoow oo la doonayey in garoonka Muqdisho geeyo in laga reebo balse ay ka dhaga adeegeen, taasi oo sababtay in Ciidamada adeegsadaan rasaas xad dhaaf ah oo sababtay dhimashada hal askari oo marxuumka wax ka waday.Labada qof ee kale ayaa kala ah askari iyo mid rayid ah.
Intaasi ka dib Meydka Generaal Sheegoow ayaa maanta loo qaaday Magaaladda Jowhar, xili ay eheladiisa dalbadeen in lagu aaso deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Xaaladdu hadda waa mid deggan, ka dib markii la kala eryey dadkii badnaa, waxaana faahfaahinta laga sugi doonaa laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya.
HBN ONLINE TV