Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay dhacdo tahriibayaal Soomaali ah oo laba doon kula qalimmeen Badweynta India Occean ayaa tirada khasaaraha uu sheegay muujineysaa in uu kordhay.
Wasiirka Fiqi ayaa sheegay in laba doon ay kula qaraqmeen Badweynta India Occean muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku dhinteen 24 ruux, taasi maydadkooda la geeyey meel u dhow xeeb la moodda Nosy Iranja ee dalka Madagascar.
Sida oo kale waxaa uu sheegay in dadka badbaaday qaar ka mid ah oo waxyeellada ka soo gaartay shilkan ay la tacaaleyso dowladda Madagascar.
Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda ay u diri doonto Madagascar safiirka Soomaaliya u fadhiga Addis Ababa iyo xubin ka socda xeer ilaalinta si ay u soo eegaan dhibaatada dadkaasi soo gaartay inta ay la egtahay iyo halka ay ka yimaadeen oo doonyaha ka soo raaceen.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayuu ku boorriyay inay ka fogaadaan halista galaangalka badda iyo dhibaatooyinka ku xeeran tahriibka, si ay uga badbaadiyaan naftooda qatarta iyo dhibaatooyinka la xiriira safarrada sharci-darrada ah.
HBN ONLINE TV

