Khasaar dhimasho iyo dhawaac ah oo ka dhashay Weerar toos ah oo Alshabaab ku qaadeen CXD.

Ugu yaraan toban ka tirsan maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda ku dhexmaray bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Alshabaab ay weerar ku qaadeen deegaan miyi ah oo u dhaxeeya Bood iyo Bud-bud ee gobolka Galgaduud.
Axmed Cabdulle Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan weerarka, islamarkaana ay ku dileen toban ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Sida oo kale waxa uu xusay in ciidamada deegaanka ay haatan wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxihii ku harsanaa agagaaraha aagga dagaalku ka dhacay.
Lama oga khasaaraha soo kala gaaray ciidamada dowladda, waxaana dagaalka oo socday ku dhawaad ​​saacad la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhanka kale, Guddomiyaha degmada Al-kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe Daahir Jimcaale Cadow oo la hadlay warbaahinta afka ciidamada dowladda ku hadasha ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen Alshabaab ku soo qaadeen ka hortageen.

In khasaare soo gaaray xubnaha weerarka ku soo qaaday ayuu sheegay, isaga cadeeyey in aanay wax dhankooda waxyeelo ka soo gaarin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed