Kepa Arrizabalaga ma ku laabanayaa Chelsea xagaaga soo socda?

Goolhayaha Chelsea ee u ciyaara  Real Madrid Kepa Arrizabalaga ayaa doonaya inuu dagaal u galo  inuu si rasmi ah ugu biiro Bernabeu sanadka 2024.

Ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in Thibaut Courtois uu soo gaaray dhaawac suurtogal ah inuu xilli ciyaareedka soo afjaro ACL xagaagii, Real ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqday inay Kepa kula soo wareegto Stamford Bridge ololahan.

29-sano jirkaan, oo weli ah goolhayaha ugu qaalisan adduunka, kuma aysan qaadan waqti dheer inuu noqdo goolhayaha koowaad ee Carlo Ancelotti isagoo maqan Courtois, isagoo ku soo bilowday 10 kulan oo xiriir ah oo La Liga ah iyo seddex kulan oo isku xigta oo Champions League ah.

Qandaraaska ciyaaryahankii hore ee Athletic Bilbao kuma jiraan wax ikhtiyaar ah ama waajibaad ah uu ugu wareegaayo Real, inkastoo, sida laga soo xigtay AS, rajada uu ka qabo oo ah inuu Chelsea si joogto ah ugu biiro, uguna ciuyaaro  taas halis ku ah Real.

Chelsea oo uu dhaawac kahga maqan yahay goolhayaha kowaad, ayaa dooneysa in dib u soo celiso Kepa, intii ay suuqa galin laheyd lacago qaali ah, balse laacibkaan ayaa kooxda ku laabanaya haddii uu helo booska joogtada ah Chelsea.

Ka hor inta uusan dib ugu laaban dalkiisa, Kepa ayaa ku jiray liiska Bayern Munich si uu u helo booska Manuel Neuer, halka Real ay mudnaanta siineysay saxiixa Bono ee Sevilla.

Si kastaba ha ahaatee, u dhaqaaqista Bono ma noqon mid mira dhal ah, sababtoo ah xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco ayaa ku soo wajahan ka qeyb galka koobka qaramada Afrika, waxaana uu ugu dambeyntii ku biiray ciyaaryahanada Sacuudiga Pro League ee Al-Hilaal.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed