Kenya oo soo si lagu tilmaamay laba bogleyn ah uga hadashay Xiriirka ay la leedahay Soomaaliya misne madaxda Somaliland iyo Jubbaland marti galineysa

Dowladda Kenya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay taageeradeedda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (DFS), xilli uu magaalada Nairobi socdaal dhowr cisho qaadan doona ku gaaray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Nairobi ay si buuxda u aqoonsan tahay DFS oo ay ku tilmaantay hay’adda sharciyan u leh maamulka guud ee dalka Soomaaliya oo ay ku jiraan dhammaan gobollada iyo maamullada ka jira gudaha dalka.

Si kastaba ha ahaatee, isla bayaanka ayaa sidoo kale muujiyay in Kenya ay sii wadi doonto xiriirka ay la leedahay maamullada Jubbaland iyo Somaliland, iyada oo la shaqeynaysa DFS si loo gaaro danaha la xiriira amniga, ganacsiga, iyo xiriirka diblomaasiyadeed, taas oo ay ku sheegtay inay la jaanqaadayso siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku saleysan deris-wanaag iyo xeerarka caalamiga ah.

Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo saxaafadda gudaha Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo lagu tilmaamay laba-bogleyn ama siyaasad laba-weji ah oo ku wajahan danaha Kenya ee gobolka. Dhaliilaha ugu badan ayaa salka ku haya in Kenya ay marna muujinayso taageero buuxda oo ay u hayso midnimada Soomaaliya, haddana ay sheegayso in ay la macaamilayso maamullada qaar.

Bayaan kale oo ka soo baxay Somaliland ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweyne Cirro uu kulan la yeelan doono madaxda Kenya, Jaaliyadda Somaliland ee Nairobi iyo xubno beesha caalamka ah.

Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in hadalka Kenya uu yahay mid si miyir leh loo miisaamay, si aysan u jabin xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay DFS, isla markaana u ilaaliso danaha ay ka leedahay xiriirka ay la leedahay Somaliland iyo Jubbaland – gaar ahaan marka la eego ganacsiga, is-dhexgalka gobolka iyo saameynta is-diidan ee ay Itoobiya, Masar, iyo EAC (Bulshada Bariga Afrika) ku yeelanayaan Geeska Afrika.

“Xiriirkan ayaa sii xoojinaya rajooyinka labada dal ee ku aaddan nabadda, amniga iyo horumar waara oo gobolka ka hana qaada,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Ugu dambeyn Fariinta Kenya ayaa noqon karta mid ujeeddo badan leh, iyadoo rabta inay ilaaliso xiriirka DFS, halka dhinaca kale ay isku dayayso inay danaheeda gaarka ah ka sii fushato – taas oo gelin karta cadaadis diblomaasiyadeed oo dheeraad ah gobolka Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed