Kenya oo war ka soo saartay dalkugalka dadka haysta baasaboorka diblumaasiga Soomaaliya

5, August 2022

Dawlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka haysta baasaboorka diblumaasiga Soomaaliya ay fiisooyinka ka qaadan karaan garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi

Wargelin ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa loogu sheegay diyaaradaha rakaabka in qof kasta oo haysta diblumaasiga Soomaaliya gaar ahaan diblumaasiyiinta, Senatorada iyo musuuliyiinta kale ay fiisaha ka qaadan doonaan garoonka diyaaradaha Nairobi.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu sheegay in tillaabadan qayb ka ahayd heshiiskii bishii July ay kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed