Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Bare Ducaale, ayaa sheegay in toddobaadka soo socda la horgeyn doono DCI ku dhawaad 200 qof oo lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq ka dhashay fadeexadaha hareeyay Hay’adda Caymiska Caafimaadka.
Ducaale, oo shir ka hadlayay Gobolka Narok ayaa mar kale ku celiyey go’aankiisa ah in uu ciribtiro musuqmaasuqa waaxda caafimaadka, isagoo sheegay in dagaalkaasi uu yahay waajib qaran u baahan wadajir.
“Toddobaadka soo socda waxaan u gudbin doonaa faylalka Hay’adda Dembi-baarista (DCI), si loo hubiyo in kuwii ka dambeeyey musuqmaasuqa la horgeeyo caddaaladda, iyadoo aan dib u soo celinayno hufnaanta iyo daacadnimada bixinta adeegyada” ayuu yiri Wasiir Ducaale.
Wuxuu ku eedeeyey xubno mucaarad ah in ay sanado badan ka macaashayeen Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Qaranka (NHIF) ee la baabi’iyey.”Waxaan carrabka ku adkeeyey in dagaalkan uu yahay waajib qaran oo u baahan wadajir” ayuu yiri Wasiir Ducaale.
Wasiirka, oo lagu tilmaamo inuu aad ugu dhow yahay Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ballanqaaday in dowladdu aysan ka cabsan doonin cadaadis, islamarkaana ay dib u soo celin doonaan kalsoonida dadweynaha, si loo hubiyo in kheyraadka caafimaadka si hufan loo adeegsado, lana gaarsiiyo adeegyo tayo leh shacabka oo dhan.
HBN ONLINE TV