Kenya oo Soomaaliya & Liibiya ka reebtay muwadiinta dalalkooda viso la’aan ku soo geli karaan dalkeeda

Dowladda Kenya oo soo saartay dalalka ay u oggolaan doonaan in ay Fisa la’aan ay dalkeeda muwaadiniintooda ayaa laga reebtay dalal ay ku jirto Soomaaliya, iyaga oo ku sababeeyay arrimo amni.

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Wasiiradda Kenya ayaa lagu sheegay in go’aanka looga golleeyahay si loo kordhiyo dalxiiska dalkaasi, inkasta oo aan laga hadlin sababta Soomaaliya oo Liibiya wehliso loo reebay.

Kenya ayaa u oggolaatay dalalka ee Afrika ee kale marka laga reebo Soomaaliya iyo Liibiya, iyaga oo isticmaalaya Nidaamka Casriga ah.

Muwadiniinta Afrikaanka ah ayaa loo oggolaaday in ay joogi karaan laba bilood, halka muwaadiniinta Bulshada Bariga Afrika ku sugnaan karaan ​​lix bilood. Soomaaliya waxay ka mi tahay dalalka Bulshada Bariga Afrika, iyada oo aanay dowladda dhexe arinkani ka jawabin.

Go’aanka Golaha Wasiiradda Kenya ayaa ku soo aadaya xilli dalkaasi ay si joogto ah safaro ku tagaan Muwadiniinta Soomaaliyeed, isla markaasna ay daneynayaan in loo fududeeyo socdaalkooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed