Waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa sheeegtay galinkii dambe ee maanta in gacanta ay ku soo dhigtay nin ay ku tilmaantay tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay dilkii arxaan darrada ahaa ee 22-kii bishii hore magaalada Nairobi loogu gaystay hooyo, gabar ay dhashay iyo gabar kale oo yar oo ay habaryar u ahayd.
Qeybta dambi baarista dalka Kenya ee DCI-da soo soo bandhigtay sawirka Haashim Daqane Muxumed oo 24 sano jir ah, oo hay’adu sheegtay inuu waday gaarigii loo adeegsaday afduubka iyo dilka hooyada iyo labada gabdhood ee meydadkooda laga soo helay xaafadaha Parklands, Bahati iyo magaalada Machakos, inkasta oo wali maxkamad ku caddeyn ninkaasi in uu kug leeyahay falkaasi iyo in kale.
DCI-da ayaa sheegtay in gaari uu watay Haashim Muxumed, islamarkaana kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV ay qabatay, isaga oo dhibbanayaasha ka qaadaya gurigooda oo ku yaalla xaafadda Islii ay hadda gacanta ku hayaan.
Waaxda dambi baarista ayaa sheegtay in uu eedeysanaha watay gaari noociisa yahay Nissan Note oo ay taarikadiisu tahay KDQ 718Y, kaasi oo loo adeegsaday afduubka iyo dilka, halka laga soo helay suuqa Ukulima ama Markiti ee ku yaalla deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Sida oo kale Waaxda DCI-da ayaa markii ay soo bandhigeysay sawirka Haashim sheegtay in hal eedeysane uu xirna.
Waaxda dambi baarista oo ka codsatay xubnaha bulshada in ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka gaysan karta soo qabashada eedeysanaha, ayey ugu dameyn sheeegtay in hayo Haashim Daqane Muxumed oo lagu raadjoogay tan iyo 27-kii bishii hore Octobar.
HBN ONLINE TV