Madaxweynaha Kenya William Ruto oo markii ugu horeysay ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Soomaliya ayaa sheegay in dalku uu galayo marxalad cakiran, isaga oo tilmaamay in muddo-xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyaduba uu dhammaanayo ama uu dhammaaday, xilli uu jiro khilaaf xooggan oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka iyo dastuurka dalka.
Wareysi uu siiyay warbaahinta France24, ayuu Ruto ku sheegay in dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti aanay weli natiijo muuqata dhalin.
“Maanta xaaladdu way ka sii adag tahay, sababtoo ah muddadii baarlamaanka way dhammaatay, muddada madaxweynahuna way sii dhammaanaysaa,” ayuu yidhi Ruto, isaga oo xusay in aan weli la garanayn halka ay xaaladdu ku dambayn doonto.
Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ay caqabad ku noqotay dadaalladii dib loogu furayay xadka Kenya iyo Soomaaliya oo muddo dheer xirnaa.
Waxa uu sheegay in dagaalladii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ay sababeen in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay gudaha u galaan Kenya, arrintaas oo sii adkaysay xaaladda amni ee gobolka.
Hadalka Ruto ayaa imanaya iyadoo Soomaaliya ay wajahaysa muran siyaasadeed oo ku saabsan Doorashooyinka, kadib markii baarlamaanka federaalka muddo-xileedkiisu dhammaaday bishii April, inkasta oo dowladdu ka soo horjeedo, halka mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadu ay ka digeen “faaruq dastuuri ah” haddii aan heshiis siyaasadeed laga gaarin doorashooyinka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in wax ka beddelkii dastuurka ee ay ansixiyeen goleyaasha federaalku uu kordhiyay muddo-xileedka dowladda hal sano oo dheeraad ah, hase yeeshee mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa arrintaas si adag uga horyimid.
HBN ONLINE TV

