Kenya oo shaacisay taageeradii maaliyadeed ee weerarkii DusitD2 laga soo hagaya seddex dal Soomaaliya ku jirto

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ku andacooday in weerarkii argagixiso ee lix sano ka hor ka dhacay hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, lagu maalgeliyay iyadoo la adeegsanayo bangiyo ku yaalla Kenya, Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, waa sida hadalka uu u dhigaye.

Ruto ayaa tilmaamay in tani ay muujinayso heerka sare ee xiriirka iyo shabakadda caalamiga ah ee dambiyada abaabulan ee ka howlgala gobolka. Sida laga soo xigtay warbixinno rasmi ah, kooxdii weerarka fulisay waxay si xirfad leh uga faa’iideysteen nidaamyada maaliyadeed ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si ay u helaan taageerada dhaqaalaha ee Weerarkaasi.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in tani ay muujinayso baahida degdegga ah ee loo qabo iskaashi goboleed oo xoogan iyo kormeer adag oo dhanka maaliyadda ah, si wax looga qabto hanjabaadaha noocan oo kale ah.

Weerarka DusitD2 oo dhacay sanadkii 2019, ayaa sababay geerida 21 ruux iyo khasaare ballaaran oo saameeyay amniga iyo dhaqaalaha Kenya, isagoo noqday mid dareen weyn ku reebay bulshada.

Madaxweyne Ruto ayaa baaq u diray waddamada gobolka iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamka in ay mideeyaan dadaalkooda laguna daro la socodka dhaqdhaqaaqa lacagaha shakiga leh, si loo joojiyo maalgelinta argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed