Kenya oo shaaca ka qaadday xaddiga Jaadka ee maalin walba Soomaaliya loo soo dhoofiyo

Dawladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya maalin walba loo dhoofiyo inta u dhaxaysa 13 ilaa 17 tan oo qaad ah, sida uu sheegay wasiirka beeraha Mutahi Kagwe. Wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in in ka badan 40 tan ay maalin kasta dalka ka baxaan, isagoo tilmaamay in tirooyinkaas “aad loo buunbuuniyay” oo aanay jirin caddeymo rasmi ah.

Kagwe ayaa sharaxay in kala duwanaanshaha xadiga dhoofinta ay sababaan isbeddellada suuqa, farqiga awoodda xamuulka, iyo dhaq-dhaqaaqa suuqyada. Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay iswaafajisay diiwaannada dhoofinta ee Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (AFA), KenTrade, iyo Hay’adda Dakhliga Kenya, iyadoo xogta lagu mideeyay hal madal kombiyuutar.

Qaadku waa dalag muhiim ah oo beeraleyda Kenya ku tiirsan yihiin, iyadoo dalka uu soo saaro qiyaastii 32,000 metrik tan sannadkii, qiimihiisuna gaarayo 13 bilyan oo shilinka Kenya oo u dhiganta 100.4 milyan oo doollar. In ka badan 80% gudaha dalka ayaa la isticmaalaa, halka Soomaaliya ay tahay meesha ugu badan ee loo dhoofiyo. Tan iyo bishii Luulyo 2022, Kenya ayaa Soomaaliya u dhoofisay in ka badan 17 milyan oo kiilogaram oo qaad ah.

Wargayska The Star oo warkan daabacay ayaa sheegaya in si loo xoojiyo sugnaanshaha xogta iyo ilaalinta dakhliga, Wasaaraddu ay soo saartay kontaroolo adag oo dhoofinta.

Waxaa ka mid ah soo gudbinta sharci ahaan khasabka ah ee ruqsadda duullimaadyada hawada iyo warqadaha duulimaadka, kormeerka qasabka ah ee KEPHIS ee dhammaan shixnadaha, diyaarinta kormeerayaasha dalagyada AFA ee bakhaarada dhoofinta, iyo warbixin bille ah oo ay shirkadaha diyaaraduhu u gudbiyaan Maamulka Garoomada Kenya.

Dowladdu waxay maalgelisay waraabka, ceelasha riigga, iyo biyo-xireennada gobollada Meru, Embu, iyo Tharaka Nithi, halka iskaashatooyinka qaadka la siiyay 220 milyan oo shilin. Laga soo bilaabo 2023, dowladda waxay soo aruurisay 67.9 milyan oo shilin oo canshuur ah oo ka soo xarootay qaadka, kuwaas oo dib loogu maalgalinayo cilmi-baarista, ballaarinta suuqa, iyo horumarinta kaabayaasha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed