Ugu yaraan lix qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin argagixisada Al Shabaab ayaa lagu dilay Arbacadii weerar gaadmo ah oo ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen deegaanka Kumba ee gobolka Lamu. Booliska ayaa sheegay in sidoo kale ay qabteen agab muhiim ah.
Goobta uu weerarka gaadmada ah ka dhacay ayaa ah Keymaha Booni oo ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu xilli ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Kenya, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.
Ciidanka Kenya oo qeyb ka ah hay’ado badan oo ka howlgala deegaanka ayaa fuliyay weerarka gaadmada ah. Shaqaalaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah argagixisada ay u suurtagashay in ay baxsadaan.
“Shacabka waxaa lagula talinayaa inay ka feejignaadaan, sababtoo ah waxaa laga yaabaa in howlgalka uu horseedo inay kordhiyaan dhaq-dhaqaaqyada kooxda, gaar ahaan dhaawacyada argagixisada ayaa la sheegay inay badan yihiin,” ayuu yiri sarkaal.
Duulaanka ayaa yimid kadib markii ay heleen xogo sheegaya in kooxdan ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan deegaankaasi. Xubnaha bulshada waxaa lagu dhiirigelinayaa inay soo sheegaan wax kasta oo laga shakiyo ama shakhsiyaadka.
Degaanada ku teedsan keymaha Boni ayaa waxaa kusoo badanaya weerarada Argagixiso, maadaama ay u dhowdahay xadka Soomaaliya.
Deegaannada Mandheera, Wajeer, Lamu iyo Gaarisa ayaa waxaa ka dhacay weerarro noocan oo kale ah kuwaasoo dib u dhac ku keenay horumarka deegaannadaas.
Kenya ayaa dib u dhigtay qorshe ay ku dooneysay in ay ku furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya weerarada noocaan oo kale ah awgeed.
Dawladdu waxay sheegtay inay heleen dhaqaale dheeraad ah oo lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee aagga xuduudda.
HBN NEWS DESK