Hay’adda Dambi Baarista ee Kenya ayaa shaacisay howlgal lagu fashiliyey silsilad sahay oo lala xiriirinayo Al-Shabaab, kadib markii la qabtay agab ciidan oo tiro badan gudaha dalkaasi.
Howlgalkan oo ku saleysnaa sida la sheegay xog sirdoon ayaa ka dhacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, waxaana fuliyay saraakiil ka socday Hay’adda Dambi Baarista DCI-da iyo qeybta la-dagaallanka argagixisada ee ATPU, xilli la qaaday tallaabo degdeg ah oo lagu qabtay agabkan ciidan oo labiska ciidamada u badnaa.
Sida lagu sheegay warka laamaha ammaanka, Howlgalka ayaa daba socday qabasho hore oo 6-dii bishaan Abriil ka dhacday magaalada Dhoobley ee gudaha Soomaaliya, halkaas oo Ciidamada Jubbaland ay ku qabteen 25 jawaan oo dhar ciidan ah, kuwaas oo la tuhunsanaa inay qeyb ka yihiin shabakad sahay oo xuduudaha ka gudubta.
Baaritaannada ayaa muujiyay sida lagu sheegay xogta DCI-da in qeyb ka mid ah rarka loo gudbiyay xaafadda Eastleigh ee Nairobi, halkaas oo laga helay 11 jawaan oo dhar ciidan ah, iyadoo sidoo kale lala xiriiriyay seddex shirkado duulimaad ay ka mid yihiin Gaani Parcel Express, Vision Point Express iyo Safe Link Cargo sida ay xogta hay’addu ku sheegtay.
Tuhmanayaal dhowr ah ayaa loo xiray dhacdadaan, halka alaabtii la qabtay loo diiwaangeliyay caddeymo ahaan, iyadoo laamaha amniga ay sheegeen in baaritaannada ay weli socdaan si loo burburiyo shabakadda oo dhan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadaha lala xiriirinayo shixnadan la sheegay in Alshabaab leedaahy, waliba hay’adaha ammaanka Kenya ma soo bandhigin caddeymo rasmi ah oo maxkamadeed.
Bartalmaha bishii February ee sanadkan, Dowladda Kenya ayaa shaacisay in hay’adaheeda sirdoonka si guul leh u fashiliyeen weerar ay ku tilmaantay mid argagixiso oo ballaaran, kaas oo kooxda Alshabaab ay doonaysay inay ku disho sida hadalka ay u dhigtay muwaadiniin badan oo Kenyan ah, kuna beegnaa magaalada Nairobi.
Hubka la qabtay ayaa isugu jiray in ka badan 600 xabbadood oo rasaas ah, bastoolado, bambo gacmeedyo, walxo qarxa iyo daroogo, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay sida la sheegay bartilmaameedyo ku yaalla caasimadda Nairobi.
HBN ONLINE TV

