Kenya oo joojisay furitaanka Xafiiska Somaliland ee Nairobi

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay xaflad lagu furi lahaa Xafiis Wakiileed Somaliland ku yeelaneyso magaalada Nairobi, taasoo lagu waday inay dhacdo maalinta berri oo Talaadada ah 27-da May 2025, sida ku cad warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya.

Warsaxaafadeed loo diray Xafiiska Somaliland ayaa lagu sheegay in furitaankaasi uusan haysan oggolaansho rasmi ah oo ka timid Wasaaradda, sidaas darteedna aanu yeelan karin sida hadalka loo dhigay sharciyadda xafiis dublamaasiyadeed oo laga furo caasimadda Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale ku celisay in Kenya ay aqoonsan tahay Soomaaliya oo keliya sida dal madax-bannaan.

Kenya waxay sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay in ay sii xoojiso wada-shaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya, si loo horumariyo nabadda, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, waxay si cad u sheegtay in wax tallaabo dublamaasiyadeed ah aysan dhici karin haddii aanay helin oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda Kenya.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Nairobi, si uu uga qaybgalo furitaanka xafiiskaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa qoraalkeeda kusoo gunaanadday iyadoo muujisay tixgelin iyo ixtiraam ay u hayso Xafiiska Somaliland, hase yeeshee ay tahay in la ilaaliyo habraacyada sharciyeed ee dublamaasiyadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed