Ciidamada Booliiska Kenya ayaa bilaabay inay galbiyaan gaadiidka Soomaalida iyo kuwa rakaabka sida ee isticmaala waddada isku xirta magaalooyinka Mwingi iyo Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, kadib markii ay sare u kaceen weerarro iyo xiisado amni oo ka taagan qeybo kamid ah gobolka Kitui.
Booliiska ayaa sheegay inay geeyeen cutubyo booliis oo gaar ah si loo sugo amniga waddada, kaddib markii isku dhacyo u dhexeeya xoolo-dhaqato iyo beeraley ay sababeen in la xiro waddadaasi, taasoo hakisay isu socodkii gaadiidka ee u kala gooshi jiray Nairobi iyo Gaarisa.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay fahamsan yihiin walaaca bulshada, balse waxay ku adkeysteen in dhacdooyinka amni ay yihiin falal dambiyeedyo gooni-gooni ah oo ay geysanayaan kooxo yar yar. Waxay sidoo kale shacabka uga mahadceliyeen sidii ay u ilaaliyeen deggenaanshaha, iyagoo ugu baaqay in laga fogaado falal hurin kara kala qeybsanaan bulsho.
Ciidamada la geeyay deegaanka ayaa waxaa kamid ah cutubyo si gaar ah u tababaran oo ku jira Adeegga Qaran ee Booliiska, kuwaas oo loo xilsaaray ilaalinta gaadiidka, ganacsiga iyo guud ahaan amniga waddada muhiimka ah ee isku xirta Nairobi iyo Gaarisa. Hay’adaha baarista ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan baaritaanno lagu baadi-goobayo dadkii ka dambeeyay weerarradii dhacay, kuwaa oo la rumaysan yahay inay sababeen dhimashada ku dhawaad 15 ruux, wallow dowladdu wado qorshe looga hortagayo afkaarta iyo hadalada xanafta leh.
Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga Wiper, Kalonzo Musyoka, ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada amniga deegaanka kadib weerar sababay dhimashada 7 qof. Wuxuu ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah u xoojiso amniga, u sameyso baaritaanno rasmi ah, isla markaana ay fuliso howlgal hubka looga dhigayo dadka sida sharci darrada ah u haysta hubka.
Shalay, Dhacdooyin rabshado wata oo ka dhacay magaalada Mwingi ee gobolka Kitui ayaa si weyn u saameeysay ganacsiga, iyada oo weerarro lagu qaaday iyo bililiqo, qaar kamid ah goobaha ganacsiga Soomaalida, xilli maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado amni darro, halka hantida dukaamada qaarkood la burburiyay halka kuwo kalena alaabo lagala baxay.
HBN ONLINE TV

