Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya kaluumeysata ka soo jeeda Soomaaliya in la helay kuwaas oo muddo la baadi goobaayay kaddib markii la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen bilihii la soo dhaafay.
Saddex kaluumaysato Soomaali ah oo in ka badan 3 bilood lagu la’yahay badda ayaa lagu soo waramayaa in laga helay jasiiradda Maldives, sida ay laga soo xigtay iloo wareedyo kala duwan oo rasmi ah.
Khubarada badaha ayaa aaminsan in Kaluumeystada ay dhibaato kala kulmeen arrimaha la xariira cimilada, khibrad la’aanta iyo jahawareer ay la kulmeen in ay keentay in muddo la baadu goobo.
Mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Maldives ayaa lagu soo waramayaa inay ku howlan yihiin sidii ay qoysaskooda ugu mideyn lahaayeen magaalada Muqdisho dhawaan.
Maldives, oo taariikh ahaan loo yaqaan Jasiiradaha Maldive, waa waddan ku yaal Koonfurta Aasiya ee Badweynta Hindiya. Maldives waxay koonfur-galbeed ka xigtaa Sri Lanka iyo India, qiyaastii 750 kiiloomitir u jirta dhul weynaha Aasiya.
HBBN NEWS DESK