Kalkaaliso caafimaad Jarmal ah oo laga afduubtay Muqdisho oo dalbatay sii deyn degdeg ah

Sonja Nientiet, oo ah kalkaaliso caafimaad u dhalatay Jarmalka, kana mid ahayd shaqaalaha Laanqeyrta Cas ee Jarmalka, ayaa markii ugu horreysay muuqaal ka soo dirtay goob lagu hayo, iyadoo codsaneysa in si degdeg ah loo sii daayo laguna celiyo dalkeeda, halka ay sheegtay inay soo wajaheen xaalado amni darro iyo caafimaad.

Muuqaalka, oo lagu daabacay YouTube oo soconaya 5:38 libiqsi, waxaa looga duubay goob aan la aqoon, halka ay xirneyd xijaab, iyadoo si toos ah u codsaneysa in degdeg loogu gurmado. “Waxaan ka codsanayaa gargaar degdeg ah si aan u badbaado la iiguna celiyo Jarmalka,” ayay tiri Nientiet.

“​Afduubayaashaydu waxay caddeeyeen dalabaadkooda, waxaana ka baqayaa nolosheyda haddii aan si degdeg ah loo qaadin tallaabo, ayey tiri, iyada oo dalab toos ah u dirsatay dalkeeda markale “Waxaan sidoo kale si toos ah uga codsanayaa ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Schulz, waxaan ku xisaabtamayaa xooggaaga iyo naxariistaada, waan ogahay in faragelintaada ay ii sameyn karto farqiga u dhexeeya nolosha iyo dhimashada aniga. Noloshayda ayaa khatar ku jirta.”

Nientiet waxaa la afduubtay 2-dii May 2018, xilli ay ka shaqeynaysay xarunta Laanqeyrta Cas ee ku taal aagga Zoobe ee caasimadda Muqdisho. Hadda Nientiet waxay kooxdan heysata ugu jirtaa muddo 7 sano ah.

Sidoo kale, Nientiet ayaa muuqaalkeeda ku sheegtay in xaaladdeedu sii xumaanayso maalin kasta. waxaana ay tiri “Caafimaadkaygu wuu sii xumaanayaa maalinba maalinta ka dambeysa. Waxaan si aad ah uga walaacsanahay xaaladeyda amni iyo Fayo-qab”.

Kooxda afduubatay, oo sheegtay in aysan xiriir la lahayn Al-Shabaab ama ISIS ayaa dalbatay madaxfurasho dhan $20 milyan, iyagoo ku hanjabay in haddii lacagtaas la bixin waayo ay u gacan gelin doonaan kooxda ISIS.

Sidoo kale, bogga lagu daabacay sheekadadan Nientiet oo dad badan oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jiray ay faalooyin ka bixiyeen ayaa ka dalbaday dadka soo galiyey in sii daayaan haweeyneydaan, si loo dhowro sharciga ilaalinta bini’aadantinimada iyo joojinta tacadiyada ka dhanka ah dumarka.

Horay, Ciidamada Jarmalka oo kaashanaya sirdoonka Mareykanka ayaa qorsheeyey howlgal lagu badbaadinayo, balse waxaa la joojiyey daqiiqaddii ugu dambeysay, ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka uu ka walaacay khatarta ay howlgalkaasi u keeni karto nolosha Nientiet.

Warar horay u soo baxay ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah ilaalada xarunta Laanqeyrta Cas ee Jarmalka uu ku lug lahaa afduubka, inkastoo arrintaas wali aan si rasmi ah loo xaqiijin. Dowladda Jarmalka iyo Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) wali uma suurtagelin in ay xorriyaddeedii dib ugu helaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed