Afhayeenka Pentagon-ka Pat Ryder ayaa qiyaasay in dalkiisu aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin ilaa 12,000 oo askari oo reer Waqooyi Kuuriya ah gudaha Ruushka, oo ay ku jiraan 10,000 oo ku sugan gobolka Kursk.
Isaga oo ka hadlayay hadallo uu soo saaray Xoghayaha Gaashaandhigga Lloyd Austin maalmo ka hor, ayuu Isniintii sheegay in haddii askartan ay ka qaybqaataan hawlgallada taageerada dagaalka ee ka dhanka ah Ukraine, ay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah oo milateri.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Pentagon-ku uu baarayo warbixinnada ku saabsan eedeymaha la xiriira hawlgallada dagaalka ee Waqooyi Kuuriya.
Dhammaan calaamadaha waxay muujinayaan inay bixin doonaan nooc ka mid ah awoodda dagaalka ama taageerada dagaalka, ayuu yiri, isaga oo filaya in dadka reer Ukraine ay samayn doonaan wixii ay u baahan yihiin si ay isugu difaacaan naftooda iyo shaqaalahooda.
Afhayeenka Pentagon-ku wuxuu tixraacay hadalladii dhowaan uu jeediyay Austin, halkaas oo xoghayaha difaaca uu ku sheegay in xoogagga Waqooyi Kuuriya laga yaabo in loo adeegsado “si loo buuxiyo khasaaraha weyn ee soo gaadhay Ruushka, taasina waa qiimeyn sax ah, aniguna runtii ma doonayo in askari Waqooyi Kuuriya ahi uu halkaas joogo.”
Tani waxay timid markii ciidamada ka socday Pyongyang ay yimaadeen Ruushka bishii hore, sida ay sheegeen saraakiil.
Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay tababareen askartan iyaga oo baraya farsamooyinka ciidanka lugta iyo madaafiicda, nadiifinta jeexjeexyada iyo ka shaqaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Ruusha ayaa sidoo kale siiyay ciidamada Waqooyi Kuuriya dhar iyo qalab Ruush ah.
“Xulafada ugu khatarta badan ee Moscow”
Bishii hore, madaxa sirdoonka Ukraine Kirilo Budanov ayaa xaqiijiyay in Waqooyi Kuuriya ay tahay xulafada ugu khatarta badan Moscow ee Kiev sababtoo ah rarka madaafiicda baaxadda leh ee ay u soo dirto Ruushka si loogu isticmaalo jiidda hore ee Ukraine.
Moscow iyo Pyongyang waxey diideen in ay isku gudbiyaan hub, balse waxay balan qaadeen in ay xoojinayaan xiriirka milateri.
Hoggaamiyaha Kremlin-ka ma diidin xogta sirdoonka reer galbeedka ee ku saabsan in ciidamo Waqooyi Kuuriya ah loo soo diray Ruushka.
Markii wax laga weydiiyay arrintan, wuxuu ku sheegay shir jaraa’id intii lagu jiray shirkii BRICS ee Kazan Khamiistii la soo dhaafay in dalkiisu marna shaki gelin in Waqooyi Kuuriya ay si dhab ah u qaadanayaan heshiisyada iskaashiga ee labada waddan.
Kuwaasi waa “arrimo gaar ah,” ayuu yiri, sida laga soo xigtay AFP.
Ruushka ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Waqooyi Kuuriya tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine, Kimna wuxuu Putin ku soo dhaweeyay booqasho rasmi ah bishii Juun.
RIA ayaa sheegtay in kulammada u dhexeeya Shoigu iyo hoggaamiyaha Waqooyi Kuuriya in ay ku dhaceen jawi kalsooni weyn leh oo saaxiibtinimo ah, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadan doonaan hirgelinta heshiisyadii ay gaareen Putin iyo Kim shirkii ay yeesheen bilo ka hor.
HBN ONLINE TV