Jubbaland oo xukuno adag ku ridday xubno Alshabaab ah oo ku lug yeeshay dilal

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqday xukunno adag oo lagu riday laba eedeysane oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda Alshabaab, ayna ku lug lahaayeen falal dilal iyo weerarro ah.

Eedeysanayaasha oo lagu kala sheegay Wali Cabdi Yare Dhuuboow iyo Maxamed Khadar Cusmaan Cabdullaahi ayaa horay maxkamadda ugu hor qirtay in ay la shaqeynayeen kooxda Alshabaab, ayna ka qeyb qaateen falal amni-darro iyo dilal qorsheysan oo gobolka ka dhacay.

Wali Cabdi Dhuuboow ayaa qirtay sida la sheegay inuu xog ururin ka sameeyay dilka lix qof oo Kenyan xoogta ah oo ay Alshabaab ku dishay degmada Dhoobley, halka Maxamed Khadar uu sidoo kale qirtay in uu bam-gacmeed ku weeraray guriga guddoomiyaha degmada Dhoobley, falkaas oo kadibna ay ciidamada amniga gacanta ku dhigeen.

Xukunka oo ay ku dhawaaqeen guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim iyo ku-xigeennadiisa, xeer-ilaaliyaha ciidamada Jubbaland, iyo qareennada difaaca, ayaa u dhacay sidan: Wali Cabdi Yare Dhuuboow: 20 sano oo xabsi ciidan ah, halka Maxamed Khadar Cusmaan Cabdullaahi 15 sano oo xabsi ciidan ah goroda loo galiyey.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka uu yahay mid caddaalad ah oo ku saleysan qiraallada eedeysanayaasha iyo caddeymaha ay soo ururiyeen baarayaashu. Waxaa sidoo kale la xusay in cidii aan ku qanacsaneyn xukunka ay furan tahay racfaan sharci ah.

Jubbaland waxay mar kale muujisay go’aankeeda ah in aysan marnaba u dulqaadan doonin dadka ku lugta leh falalka lala xariiriyo argagixisanimo ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed