Wararka ka imaanaya Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada maamulka oo kaashanaya Kumaandooska Danab ee ciidanka xoogga dalka ay hawlgal ballaaran ka fuliyeen deegaanka Turdho iyo nawaaxigiisa, oo ku yaalla jiinka wabiga Jubba.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo lagu tuhunsanaa inay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Aldhabaab, waxaana ujeeddadiisu ahayd xaqiijinta amniga deegaanka iyo ciribtirka goobaha ay kooxdu ku dhuumaaleysanayeen.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad Alshabaab ah, ayna kooxdu halkaasi ka wadeen sida la tilmaamay falal amni darro ah.
Ciidamada Jubbaland iyo Danab ayaa ku adkeystay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.
HBN ONLINE TV