Maamulka Jubbaland ayaa si kulul uga jawaabay dagaalladii ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac asaraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Jubbaland.
War saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa si toos ah eed ugu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay inuu bixiyay sida ay hadalka u dhigeen amar weerar toos ah oo lagu qaaday ciidamadooda, taas oo ay fuliyeen ciidamo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, kuna tagay Beledxaawo diyaarado.
Jubbaland ayaa sheegtay in weerarku uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana uu qeyb ka yahay qorshe ay ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka iyo tan guud ee dalka, ayna ka hortegi doonaan isku day kasta oo lagu duminayo maamulka Jubbaland iyo nidaamka federaalka.
Sidoo kale, Maamulka ayaa caddeeyay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin difaaca iyo ka hortagga weerar kasta oo ka yimaada dhinaca dowladda federaalka, “Dowladda Jubaland waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah inay si buuxda uga hortagayso isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyo nidaamka Federaalka ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka.
Jubaland ayaa tacsi u dirtay ehellada iyo shacabka ay ka baxeen saraakiil iyo askar ka tirsanayd ciidanka maamulka, kuwaas oo ku geeriyooday dagaalkii degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Hadalka Jubbaland ayaa ku soo aadaya, iyada xalay madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in dhinacyada dirirta ka dhexeyso ee gobolka ay wadahadal furaan nabad lagu gaarayo. Ciidamada Jubbaland xadka Kenya u talaabay ayuu ku adkeeyey in deegaannadooda dib ugu soo laabtaan, isaga oo ballan qaaday in aanay cidna si gaar ah u beegsan doonin.
HBN ONLINE TV