Jubbaland oo sheegtay khasaare culus oo ay gaarsiiyeen kooxda Alshabaab, kadib howlgal ka dhacay Jubbada hoose

Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqday in ciidamadooda ay guul weyn ka gaareen howlgal qorshaysan oo ka dhan ah Alshabaab, kaas oo ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, laguna dilay xubno badan oo kooxda ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland, Ciidanka Gaarka ah ee Danab, iyo Saaxiibada Caalamka, kuwaas oo bartilmaameedsaday goobihii ay ku dhuumaalaysanayeen Alshabaab.

Howlgalladan ayaa laga fuliyay deegaanada dhowr deegaan oo kala Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey iyo Janaale Jaay, halkaas oo lagu burburiyay godad iyo xarumo ay Alshabaab ku lahayd. Sida lagu sheegay warbixinta, waxaa lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, halka 32 kale lagu dhaawacay, intii ay socdeen duqeymaha cirka iyo dhulka ah.

Jubbaland ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo kooxaha ay ugu yeeraan nabad-diidka, si loo sugo amni iyo xasillooni waarta oo shacabka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya ay ku naaloodaan.

Ugu dambeyntii, Jubbaland ayaa ku celisay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaa laga cirib tiro kooxaha Khawaarijta ah ee carqaladeynaya nabadda iyo dowladnimada dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed