War goor dhow laga baahiyay telefishinka ku hadla afka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaal u dhaxeeya ciidanka dawlada iyo kuwa maamulkasi uu ka dhacay degaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Warkaan waxaa lagu sheegay in ciidamada dawladu shalay iyo maanta geysay Raas-Kambooni ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidanka Jubbaland kaga sugnaayeen deegaanka.
Sida oo kale waxaa lagu daray in ciidamada Jubbaland ay iska caabiyeen kuwa dawladda, inkasta oo aan warka lagu sheegin khasaare jira.
Lama xaqiijin karo warkaan lagu daabacay bogga rasmi ah ee ku hadla afka maamulka Jubbaland ee sheegaya in dagaal lagu qaaday ciidamadooda ku sugnaa deegaanka, halka aan dowladda Soomaaliya weli wax war ah ka soo saarin.
Dawladda ayaa shalay iyo maanta ciidamo geysay Raas-Kaambooni oo Jubbadda hoose ka tirsan, kaasi oo Kismaayo 287-KM u jira.
Saraakiisha huggaamineysa ciidamada dowladda ee ka dejisay Raas-Kambooni ayaa sheegay in u jeedkoodu uu yahay inay la wareegaan xarumaha ay banaynayaan ciidamada midawga Afrika ee ATMIS si loo wado dagaalka Alshabaab.
HBN ONLINE TV

