Jubbaland oo sheegtay in laba farood ku taagan tahay in weerar ay ku qaado ciidamada jooga Raas-Kaambooni

Taliyiha Ciidamada Birjeex ee Jubbaland Cabdikaafi Dayib oo ku sugan deegaan u dhaw Raas-Kambooni ayaa sheegay in sugayaan amar madaxweyne in guluf dagaal lagu qaado ciidamada dowladda ee joogga deegaanka.

Cabdikaafi oo sheegay in wax dhibaato ah aanay dooneyn ayaa dalbaday in la joojiyo sida uu hadalka uu u dhigay dhibaatada laga shaqeynayo ee Jubbaland ka dhanka ah.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay haddii ay sidaan ku sii socoto in go’aanka xiga uu noqon doono mid faraha la isla galo, isaga faray in ciidamada dowladda si degdeg ah uga baxaan deegaank Raas-kaambooni ka hor inta gacantooda ku dhicin.

Sida oo kale waxaa uu ku goodiyey in laba farood ay ku taagamyihiin, kaliyana ay sugayaan amarka madaxeayne Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe.
“Laba farood ku taagannahay, Amar madaxweyne bisaan sugeynaa, madaxeayne Axmed Maxamed Islaan hadduu na amro talaabada ku dhacda iyagaa dhagta faraha gali doono” ayuu yiri taliye Cabdikaafi.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli 24-kii saac ee la soo dhaafay Jubbaland ay weysay tobanaan ciidamadeeda ka tirsan, ka dib markii safka dowladda galeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiisha ay geysay Jubbada hoose ayaa ka dalbaday ciidamada Jubbaland in ciidamada qaranka ku soo biiraan, iyaga oo balan qaad kala duwan u sameeyey.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa afar doon ciidamada Jubbaland ah ku xirteen deegaanka Raas-Kambooni ee degmada Badhaadhe.
Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland ayaa war lagu daabacay lagu sheegay in ciidamada saaka ku biiray safka dowladda aanay ka qeyb kuwooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed