Jubbaland oo sheegtay in ku dhawaad 10 Alshabaab ah ku dishay weerar ay fashiliyeen oo ka dhacay Jubbada Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar kooxda Alshabaab oo ay doonayeen in ay ku soo qaadaan fariisin ciidamada maamulkaasi oo ku lahaayeen deegaan kaga suganyihiin Jubbada Hoose.

Weerarka oo sida hadalka ay u dhigeen saraakiisha Jubbalanad la doonayey in lagu soo qaado fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose ay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsanaa ayna sii hayeen xogta kooxda, iyaga oo ay tilmaamay in Alshabaab jab ku gaarsiiyeen.

Janaay Cabdalle oo ah deegaan istiraatiiji ah oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Kismayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa dhowr jeer waxaa isku fara-saaray ciidamada Jubbaland iyo kooxda Alshabaab.

Jubbaland ayaa u aragta Janaay Cabdalle mid muhiim ah howlgalada ka socda gobolka ee dagaalka lagula jiro Alshabaab, iyada oo weeraro kala duwan oo ay ka qaaday ay deegaanka ku sheegtay in ay ku dishay xubno badan oo kooxda ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed