Jubbaland oo sheegtay in howlgal looga hortagay weeraro qorshaysan oo Alshabaab ah ka fuliyeen Jubbada Hoose

Ciidamada Ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka, ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay dhul howd ah oo hoos yimaada deegaanka Raaskambooni ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ay fuliyeen cutubka Hanqadh ayaa ka dhacay dhowr tuulo, waxaana intii lagu guda jiray ay ciidamadu heleen daawooyin iyo agab kale oo la rumeysan yahay in ay halkaasi kaga tageen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamada sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee howlgalka uu ahaa in la hortago weerarro qorsheysan oo Alshabaab ay damacsanaayeen sida hadalka loo dhigay inay ku qaadaan saldhigyada ciidamada iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla Raaskambooni.

Maalmihii u dambeeyay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si joogto ah uga waday howlgallo amni xaqiijin ah gobollo kala duwan oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo beegsanaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Alshabaab.

Hoggaanka ciidamada ayaa tilmaamay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo horudhac u ah qorshayaal waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana ka tarjumaya go’aanka Jubbaland ee ah in la ciribtiro khatarta Alshabaab Shabaab loona sugo nabadgelyada shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed