Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadooda gaar ah ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka tirsan Jubbada hoose, kaas oo lagu dilay tiro ka mid ah dagaalyahannada Alshabaab.
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan Guutada Abris, oo ka howlgasha xeebaha gobolka Jubbada Hoose, ayaa galinkii dambe ee maanta waxay sheegeen in howlgal ay ka fuliyay dhulka howdka ah oo ku dhow deegaanka Buurgaabo lagu dilay 3 ka mid ah xubno ka tirsan Alshabaab oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.
Maamulka ayaa intaas ku daray in deegaanada Jubbaland ay waayadan noqdeen meel si joogto ah khasaare loogu gaarsiiyo sida hadalka loo dhigay Alshabaab, taas oo ay ku tilmaameen natiijo ka dhalatay iskaashi iyo isku xirnaan xooggan oo u dhexeeya ciidamada amniga iyo bulshada ku nool guud ahaan deegaanada Jubbaland.
Waxay sidoo kale sheegeen in howlgalada noocan ah ay sii socon doonaan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida gobolka.
HBN ONLINE TV

