Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose in khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab, kadib markii howlgal muddo la qorsheynayey uu u dhacay sida hdalka loo dhigay sidii la rabay.
Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kumaandooska Danab ayaa lagu dilay 56 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, halka 20 kale oo nool lagu soo qabtay. Howlgalkan ayaa ka dhacay tuulooyinka Muse-Xaaji, Arare, Kobon, Bangeeni iyo Maleyleey, kuwaas oo Alshabaab u adeegsan jireen saldhigyo ay ka abaabuli jireen sida hadalka loo dhigay weerarro ka dhan ah shacabka deegaanka.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in Ciidamada isgarabsanaya ay si xeeladeysan u weerareen fariisimaha kooxda, halkaasi oo lagu burburiyay saldhigyo badan oo ay ku lahaayeen tuulooyinka la beegsaday. Jubbaland waxay carrabaabtay in howlgalka uu si weyn u wiiqay awooddii iyo dhaq-dhaqaaqii kooxda ee aaggaas.
Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgallada ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu sii socon doono ilaa deegaanka laga sifeeyo waxay ugu yeereen “kooxaha nabad-diidka ah” oo ay ula jeedaan Alshabaab, loona soo celiyo amniga iyo noloshii caadiga ahayd ee shacabka.
HBN ONLINE TV

