Jubbaland oo sheegtay in dano gaar ah laga leeyahay ciidamada la geeyey Jubbada Hoose

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka warbixiyay xaalada guud ee Jubaland iyo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka ayaa sheegay in uu jiro rabitaan shaqsi ah oo duullan loogu yahay sida hadalka u dhigay maamulkooda.

Maxamuud Sayid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku ciqaabeyso hay’adaha maamulka Jubbaland ciidamada ay geysay deegaanka Raas-kambooni.

Sida oo kal waxaa uu carrabaabay in deegaanka ciidamada DFS geysay aanay weligood fariisin ku yeelan kuwa ATMIS, iyada oo gacan ku heyntooda ay hayeen Jubbaland.

Waxaa uu ku eedeyey Dowladda in deegaanno badan oo garab ay kaga baahnaayeen in lagala howlgalo oo Jubbooyinka iyo Gedo ah ay wax garab ah ka waayeen.

Sida oo kale waxaa uu tilmaamay in dano siyaasadeed oo guracan laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay ciidamada degdega loo deegaanka Raas-kambooni.

“Ciidamada uu Turkiga inaga kaalmeeyo oo diyaaradaha degdega ugu daabusheen u jeedada aad ka leedihiin, waa u jeedo guracan, Ummadda Soomaaliyeed arkeyso, Caalamka arkayo” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland.

Waxaa uu sheegay jiraanka in wax khaldan ay jiraan oo u baahan in miiska wada-hadalka lagu dhameeyo, isaga oo ugu baaqay dhamaan saamileyda Siyaasadda in la baajiyo dhiig in uu ku daato deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed