Jubbaland oo sheegtay in ay isku furtay Kismaayo iyo Afmadow

Dowlad goboleedka Jubbaland oo ka warbixiyey howlgaladii ugu dambeeyey deeganadooda ay ka fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa sheegtay in ay fuliyeen howlgal ka dhan ah Alshabaab, kaasi oo noqday mid guuleystay.

Jubbaland ayaa intaa ku dartay in la isku furay isku socodka degmooyinka Kismaayo iyo  Afmadow ee gobolka Jubbad hoose, halkaas oo maalmihii ugu howlgalo xoogga ciidamada ka wadeen, sida uu warbaahinta u sheegtay Wasaaradda Amniga ee maamulkaasi.

Wasiirka Amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in howlgal sifeyn ah oo ay sameeyeen Ciidamada XFS iyo daraawiishta Jubbaland in Alshabaab looga soo saaray deegaanada u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Jubbaland waxey Alshabaab, ka sifeeyeen wadada isku Xirta degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow.” ayuu yiri wasii Gen. Yuusuf.

Degmada Afmadow oo ku taal bartamaha Gobolka Jubbada hoose ayaa magaalada Kismaayo u jirtaa 110KM , waxaana ay kaga beegan tahay dhinac Koofur.

Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa maanta Al-Shabaab ka saaray tuulooyinka Harboole iyo Welmarro ee gobolka Jubbada hoose.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed