War qoraal ah ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland galinkii dambe ee maanta ayaa lagu sheegay in shaqo fariisin ay ku sameysay Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullahi Cabdi Jaamac(Shimbir) oo lagu eedeeyey sida hadalka loo dhigay musuqmaasuq iyo lunsi xoolo dad weyne.
Jubbaland ayaa sheegtay in uu dhamaan bulshada iyo maamulka gobalka Gedo ay la socodsiinayso in Cabdullahi Shimbir oo ahaa guddoomiyihii Gedo in muda ah ay ku socotay baaris la xiriirta deeq uu lahaa gobolka oo lagu wareejiyay si loo gaarsiiyo dadkii ku dhibataysnaa xiliyadii adkaa ee fatahadaha, sida warka loo yiri “uu lunsaday”.
Waraadda ayaa sheegtay in deeqahaasi maqan awgii ay guddoomiyihaha ugu yeertay shaqo ka fariisin iyo baaris lunsi deeq dad wayne, iyada oo tilmaantay in baaris ay ku wado xeer ilaalinta maamulkaasi.
“Waxay Wasaarada u cadeyneysaa maamulka heer gobol iyo heer dagmo ee gobolka Gedo in uu san Cabdulahi Cabdi Jaamac wax xil ah u hayn jubaland, baarisna ay ku socoto loona gudbin doono xeer ilaalinta si looga soo celiyo xoolihii shacabka ee uu lunsaday loona mariyo sharciga iyo cadaadala.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Cabdulaahi Cabdi Jamac Shimbir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka soo horjeesaday doorashada maanta Kismaayo uu ku soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isaga oo sheegay in wax wada shaqeyn ah uusan la yeelan doonin.
HBN ONLINE TV