Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwayne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbalanad Maxamuud Sayid Aadan ayaa gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyada oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen wasiiro iyo Xildhibano, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka magaalada.
Socdaalka uu ku tagay Luuq madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa lagu sheegay ujeedkiisa “Nabadaynta” dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay degmada maalmihii u danbeeyay.
Inta ay ku sugan yihiin degmada luuq masuuliyaantaan ayaa waxay la kulmi doonaan maamulka iyo qaybaha kala duwana ee bulshada si xal loogu helo sababtii keentay dagaalka lagu hoobtay seddexda maalin ka socda halkaasi oo sababay dhimashada ku dhawaad 20 oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah, sida ay sheegeen ilo wareeg kala duwan.
Dagaalka ka dhacay Luuq ayaa sida oo kale sababay khasaaraha in uu gubto suuqii weynaa ee degmada, waxaana uu barakiciyey kumanaan qoys oo deganaa halkaasi.
Gudoomiyaha gobalka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac ayaa horay ugu eedeeyey ciidamada dowladda in ay ku kala biireen dhinacyada dagaalamaya, waana sababta uu wakhtiga dheer u qaatay dagaalku sida uu hadalka u dhigay.
HBN ONLINE TV