Jubbaland oo ku goodiday in cidna kala gorgortami doonin Magaalada Doolow

Maamulka Jubbaland oo sheegtay in wafdi ka socday ay hortageen sida warka ay u dhigeen ciidamada dowladda ayaa wacad ku maray in aysan wax gorgortan ka gali doonin amniga magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland Gen. Yusuf Xuseen Cusman Dhuumaal oo Shir jaraa’id ku qabtay degmada Doolow ayaa sheegay in gacan ka hadalka rasasta sababay ee maanta ka dhacay degmada Doolow looga horeeyey, ay qasabtay inay ka jawaabaan.

Dhuumaal ayaa carrabka ku dhuftay in cidna Jubbaland aanay kala gorgortami dooninsida hadalka u dhigay amniga magaalada Doolow, isaga oo sheegay in cidii isku dayda khalkhal galinta degmada Doolow ay iska dhici doonaan.

Wasiirka ayaa ku dooday in masuuliyiinta magaaalada ay ka badbaadeen isku day lagu doonayey sida uu tilmaamay la dooneyey in lagu af duubto, balse ay fashiliyeen Ciidamada jubbaland oo ku sugan garoonka.

Dagaalka maanta ka dhacay degmada Doolow ayaa aan ilaa hadda la ogeyn khasaare rasmiga ah ee ka dhashay, kaasi oo lagu eedeeyey Jubbaland in ciidamadeeda ay ka barbar dagaalamayeen kuwa Itoobiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed