Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa shir gaar ah la yeeshay goliihisa wasiiradda, waxaana intii uu socday si adag loogu camareeyey wax lagu tilmaamay “hannaanka dastuuriga ah iyo doorasho ee hal dhinac ku socdo,” iyadoo lagu baaqay in la qabto shir Qaran oo loo dhan yahay. Waxaa la tilmaamay in la kormeer lagu sameyn doono adeegyada Dowladda Soomaaliya geyso deegaannada Jubbaland.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray mowqifka Jubbaland ee ku aaddan dib-u-eegista Dastuurka iyo habraaca doorashooyinka, kuwaas oo ay Jubbaland sheegtay inaysan ka turjumayn sida hadalka loo dhigay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ku socdaan sida la cararbaabay hannaan hal dhinac ah oo aan loo dhanayn.
Sido kale, Kulanka ayaa si weyn loogu dhaliilay waxa uu ku sheegeen “faragelin siyaasadeed” oo Dowladda Soomaaliya ku hayso gobolka Gedo, waxaana la ballanqaaday in la xoojin doono kormeerka mashaariicda dowladda si natiijooyin wanaagsan loo gaarsiiyo shacabka.
Golaha Wasiirrada ayaa hoosta ka xariiqay in si isku mid ah loo muujiyey in go’aamada masiiriga ah ee dalka aan lagu gaari karin hannaan ay gacan ku hayso cid gaar ah, balse ay lama huraan tahay in la isugu yimaado shir Qaran oo loo dhan yahay, si loo dejiyo jihada siyaasadeed ee dalka, taasoo ku salaysan heshiis guud iyo kalsooni wadajir ah.
Goluhu wuxuu uga digay arrintaas inay khatar ku tahay nabadgelyada, midnimada bulshada, iyo xasilloonida deegaanka.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada Jubbaland ayaa go’aamiyay in la dardar-geliyo hirgelinta hannaan casri ah oo lagu xaqiijinayo dabagal, isla xisaabtan iyo korjoogteyn joogto ah oo lagu sameeyo mashaariicda dowladda, si loo hubiyo in si hufan loo hirgeliyo, loogana dhaxlo natiijooyin muuqda oo wax ku ool u ah shacabka Jubbaland.
HBN ONLINE TV