Jubbaland oo ku eedeysay Dawlada Soomaaliya “dagaal & carqalad ka dhan ah nidaamkeeda”

Maamulka Jubbaland ayaa si adag u dhaleeceeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), isagoo ku eedeeyay inay si joogto ah ugu mashquulsan tahay sida hadalka loo dhigay “carqaladeyn iyo dagaal siyaasadeed” oo lagu beegsanayo maamulkooda.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa sheegay in DFS ay si ula kac ah u kiciso sida hadalka loo dhigay khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda dhexe iyo Jubbaland, isagoo tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu noqday “talo-diid iyo kala-qaybiye aan awood u lahayn mideynta ummadda Soomaaliyeed.”

“DFS markasta oo ay ku hawlan tahay carqalad iyo dagaal ka dhan ah Jubbaland, waa inay ogaataa in Jubbaland si buuxda u taqaanno doorka ay ciyaarayso. Xasan wuxuu noqday talo-diid iyo kala-qaybiye aan awood u lahayn mideynta ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax.

Jubbaland ayaa ku adkeysatay in aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo dhexda looga jarayo nidaamkeeda iyo madax-bannaanideeda, iyadoo xustay in ay sii wadi doonto ilaalinta amniga, kala dambeynta, iyo nidaamka siyaasadeed ee deegaanka.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha culus ee Jubbaland. Si kastaba, DFS ayaa shalay ku dhawaaqday dhismaha maamul cusub oo Jubbaland ah oo laga hirgelinayo gobolka Gedo, kadib markii uu fashil ku soo dhamaaday wadahadal lagu doonayey in lagu xaliyo labada dhinac, arrintaas oo lagu tilmaamay tallaabo lagu wiiqayo maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Taliyaha gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, ayaa xaqiijiyay in maamulkan cusub uu yahay mid ay DFS si buuxda u aqoonsan doonto, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed