Ciidamada Booliska degmada Kismaayo ayaa maanta gudaha xaafadaha magaalada ka bilaabay howlgal lagu joojinayo xirashada indha shareerka, iyadoo horay looga soo saaray awaamiir lagu mamnuucayo Niqaabka ay xirtaan haweenka ee deegaanada mamulka Jubbaland.
Taliyaha Saldhiga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, G/le Dhexe Warsame Axmed Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laga bilaabo afar bari kahor oo ay taariikhdu aheyd 31, July, 2024 la adkeeyay joojinta xirashada Indha shareerka, si loo adkeeyo amniga guud ee shacabka.
Maamulka Jubbaland ayaa ka mamnuucay Kismaayo xirashada indha shareerka, waxaana ay howlgalo lagu joojinayo ay ka wadaan magaalada gudaheeda, iyaga oo dadka soo galaya farayo in indha shareerka furaan, sida lagu sheegay fariin ay talisku la wadaageen warbaahinta.
Tilaabadan ayaa dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen iyadoo qaar ay sheegeen inay wax ka tarayso waa sida ay hadalka u dhigeenne amniga halka dadka qaarkood ay sheegeen inay tahay mid xadgudub ku ah haweenka ay asturaad u qaata indho shareerka.
HBN ONLINE TV

