Jubbaland oo ka hadashay howlgal ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose

Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray howlgal ballaaran oo ay fuliyeen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kaas oo ka dhacay deegaanka Cag-Libaax ee hoos taga degmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan oo ay fuliyeen Guutada 2-aad ee Daraawiishta Jubbaland ee fadhigoodu yahay deegaanka Jana-Cabdale, ayey ku ekeeyeen fariisimo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Cag-Libaax. Maamulka ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee ka dhanka ah Alshabaab ee weli ku sugan qaybo ka mid ah gobolka.

Warka Maamulka Jubbaland ayaa lagu xusay in ciidamadu ay ku guuleysteen in ay khasaare culus gaarsiiyaan Alshabaab, isla markaana ay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay ku abaabulayeen falal amni darro.

Jubbaland ayaa caddeysay inay ka go’an tahay in la ciribtiro kooxaha argagixisada, iyada oo shacabka deegaanka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, si wadajir loogu xaqiijiyo xasillooni waarta.

Ugu dambayn, Jubbaland ayaa ammaantay doorka ciidamada Daraawiishta ee howlgallada ay u wadaan, iyaga oo ballanqaaday in howlgalka ka dhanka ah Alshabaab uu sii socon doono ilaa laga suuliyo dhammaan meelaha ay kooxdu ku dhuumaaleysanayso.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed