Howlgal gaar ah oo Ciidamada daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano hoosyimaada degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagu sheegay in lagu fashiliyey Miinooyin lagu aasay wadooyin, iyada oo khasaare lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab.
Ciidamada Jubblanad ayaa la soo xigtay in la fashiliyay tiro miinoyin ah oo ay Alshabaab rabeen sida hadalka loo dhigay in wax yeeleeyo lagu gaarsiiyo dadka Shacabka ah.
Howgalkan oo la tilmaamay in uu ahaa mid qorshaysan, isla markaana lagu bartilmaameedsaday sida warka loo yiri “godad” ay Alshabaab ku dhuumaalaystaan ayaa khasaare naf iyo maalba leh la gaarsiiyey kooxda.
Ciidamada daraawishta Jubbaland oo ka wada howlgalo qorsheysan gobolada Jubbooyinka ayaa carabka ku adkeeyey in la sii wadayo dagaalka ka dhanka Alshabaab oo ku xooggan deegaano badan oo maamulkaasi dhaca.
HBN ONLINE TV