Howlgallo ay sameeyeen ciidamada isku dhafka ah ee Kumaandooska DANAB iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa lagu soo waramayaa in ay guulo waaweyn ka gaareen maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubbada Hoose.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa war kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab, waxaa ay sii raaciyeen in howlgalkan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay lagu bartilmaameedsaday fariisimo .
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ka wadaan gobolkaasi, taasi oo keentay in iska horimaadyo ay la galaan kooxdaasi.
“Howlgalku wuxuu ku guuleystey in laga takhaluso in ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo khatar ku ahaa deegaankan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhoolatuskan ay dhawaan sameeyeen ciidamada kumaandooska DANAB iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen dadaalada sii kordhaya ee dowlad goboleedka Jubaland ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose, iyada oo xoojisay ololaheeda ciidan oo ujeedkeedu yahay in la baabi’iyo joogitaanka kooxda iyo soo celinta amniga gobolka.
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa bogaadisay dadaalka ay wadaan saraakiisha hogaamineysa howlgalkan.
HBN ONLINE TV